
Bishii Janaayo 1950, magaalada Boston ee dalka Mareykanka .waxaa ka dhacay dhacdo argagax galisay dalka marykanka oo si weyn loogu xasuusto ilaa maanta. Waxay ahayd dhacdadii loo bixiyay “Dambigii Qarniga” – weerar si heer sare ah loo qorsheeyay oo lagu dhacay xarunta lacagaha ee Brinks. Waxaa lagu qaaday hanti gaaraysa $2.7 milyan oo lacag ah, taasoo u dhiganta in ka badan $30 milyan maanta haddii la eego qiimaha lacagta.
Waa maxay waxyaabaha kiiskan loogu xasuusto si gaar ah? Yaa ka dambeeyay? Sidee bay FBI-du u ogaatay xaqiiqada ka dambeysay? Waxaan ku eegaynaa dhammaan qeybaha muhiimka ah ee dhacdadan cajiibka ah.
Sidee Weerarku u Dhacay?
Habeenkii Isniinta ee 17-ka Janaayo 1950. 11 nin oo wejiyadooda ku qariyay maaskaro ayaa si xasilloon ugu dhacay xarunta Brinks oo ku taallay xaafadda North End ee Boston. Waxay xirnaayeen dhar u eg kuwa darawalada gaariga (chauffeur), taasoo sahashay in aan lagaba shakiyine waxay aye yihiin.
Waxay si degdeg ah u xirxireen 5 shaqaale oo joogay gudaha xarunta, afkoodana way xireen. Kadib waxay ku guuleysteen inay qaataan:
- $1.2 milyan oo lacag caddaan ah
- $1.56 milyan oo jeegag iyo waraaqo qiimo leh ah
Dhammaan weerarku wuxuu socday wax ka yar 20 daqiiqo, waxaana loo fuliyay si nadaamsan, iyadoo aan la isticmaalin rasaas ama xoog .
Baaritaanadii FBI-da
Kadib weerarka.FBI-da Mareykanka waxay la kulantay caqabad weyn. Ma jirin caddayn muuqata – faro, sawirro, ama dad arkay tuugada. Waxaa la rumeysan yahay in kooxdu qorsheyneysey weerarkan muddo bilo ah, iyagoo aan wax cadayn meesha kaga tagin isla markaana ogaa xilliga ugu habboon ee dhac la samyn karo. taaso keenty in ay adkaato in lagu hungoobo raadintii hore lana ogaadday in kiisku u bahanhay wakhti dheeri ah .
FBI-da waxay sameeyeen:
- Wareysiyo ku dhow 29,000 qof
- Raadraac ku sameeyay baabuur la tuuray kadib weerarka
- Ururinta koofiyad laga helay goobta dhacdada
Muddadaas dheer, FBI-du waxay ku dhowaatay inay lumiyaan rajada ay ka qabaan in la xaliyo kiiska. maadaama aysan jirin caddaymo toos ah oo la xiriira tuugada.
Sidee Logu Ogaaday Tuugada?
Dhawr sano ka dib, mid kamid ah tuugtii weerarka fulisay oo lagu magacaabi jiray Joseph “Specs” O’Keefe ayaa lagu xiray dembi kale. Intii uu xabsiga ku jiray, waxaa bilaabatay khilaaf u dhaxeeyay isaga iyo tuugii kale ee dhac la sameeyey .
Ugu dambeyn, O’Keefe wuu ka shakiyay saaxiibadiis, wuxuuna bilaabay inuu FBI-da la shaqeeyo si uu uga aarguto. Wuxuu bixiyay magacyada tuugdii kale ee weerarka ku lug lahaa iyo sida loo fuliyay qorshaha.
Dadkaas waxaa ka mid ahaa:
- Anthony Pino – maskaxdii qorshaha
- Vincent Costa, Adolph Maffie, Thomas Richardson, iyo kuwa kale
Waxaa la xukumay 8 ka mid ah tuugada sanadkii 1956, 6 sano kadib dhacdadii Brinks.