
Waxaa qoray: [Subeer Cabdi Maxamed]
“Waxay u yimaadeen iyagoo wata kitaab iyo kalmado; waxay nagu dhaafeen rasaas iyo burbur”
Marka laga hadlayo gumeysiga Afrika, badanaa waxaa maskaxdeena ku soo dhacda awood ciidan, rasaas, iyo cabburin. Laakiin gumeysiga Afrika ma ahayn oo kaliya mid xoog ku salaysan — wuxuu ahaa qorshe si xeel dheer u dejisan oo lagu kala qoondeeyay qaarad dhan sidii lo qeybsan lahaa sida dhaxalka oo kale. Maqaalkan wuxuu si kooban u ifinayaa sida Afrika loo gumaystay, talaabooyinkii la qaaday iyo talooyinkii la isku raacay, iyo saamaynta uu ka tagay.
Shirkii Berlin: Qaybsigii Afrika
Sanadkii 1884, Otto von Bismarck oo ahaa ra’iisul wasaarihii Jarmalka, wuxuu casuumay wakiillo ka kala socday 14 waddan oo Yurub ah. Shirkii Berlin waxaa si gaar ah loogu lafa guray sidii Afrika loo qeybsan lahaa — iyada oo aan hal wakiil Afrikaan ah lagu casuumin madasha lagu qaybsanyo qaarada madow.
Halka dadka Afrika ku mashquulsaneyeen suuqyada addoomaha, Yurub waxay ku jirtay sheekada ah: “Sidee dhulkaas aynu u kala qaybsanlahayn?”
Waxaa lagu heshiiyay in:
- Qofkii dal gumaysanaya uu muujiyo “maamul rasmi ah” (effective occupation).
- In Xuduudo lagu sawiro khariiradda oo aan la eegin qabiil, diin ama dhaqan.
Qorshihii Gumeysiga ee Qaaradda Afrika
Gumeysigu wuxuu adeegsaday arimahan hoos ku xusan si uu qaarada si sahalan ugu soo dhex galo:
- Qandaraasyo Been Ah: Boqorro Afrikaan ah ayaa lagu qalday heshiisyo loo fahamsiiyay inay yihiin ganacsi, laakiin xaqiiqdu way ka duwanyd taas oo waxa ay ahayd in lagu wareejiyo dhul iyo dadba.
- Ciidan Casri Ah: Hubka casriga sida “Maxim gun” iyo daawooyinka cudurrada (quinine) ayaa Yurub u sahlay inay qoto dheer u gasho dhulka Afrika.
Hababka Maamul ee Gumeysiga
Dalalkii gumeystaha ahaa waxay adeegsadeen habab kala duwan:
Ingiriiska – Qaybi oo Xukun (“Indirect Rule”)
Ingiriisku wuxuu adeegsaday madax dhaqameed si ay u fuliyaan siyaasaddooda — kuwaasoo loo bixiyay “warrant chiefs.” Nidaamkani wuxuu jebiyay hab-dhaqameedkii reer guuraaga, wuxuuna abuurey qabiil la siyaasadeeyay.
Waa sida bulshadeena Soomaaliyeed loo qaybiyey loona siyaasadeeyey markuu uu gumaystuhu yimmi dhulkeena Soomaaliyeed.
Faransiiska – Maskax Maydh (“Assimilation”)
Faransiiska wuxuu doonayay in Afrikaanka uu noqdo “Faransiis madaw,” isagoo barayay afkooda, dhaqankooda, iyo sharciyadooda. Waa waxa ugu wayn ee keenay in aad argto maanta waddmo baddan oo Faransiiska gumaysty oo ku hadlaa afka Faransiiska. Bulshada waxa uu ku samayn jiray miskax maydh.
Saamaynta uu Ka Tagay Gumaystuhu
Saamaynta gumeysigu weli way jirtaa:
- Xuduudo: Afrika waxaa lagu kala qeybiyay xariijimo aan la eegin qabiil, diin, ama juquraafi — taasoo keentay colaado ilaa maanta socda. Waxaa la kala kexeyey dad isku diina isku af isku dhaqana.
- Luuqado iyo Waxbarasho: In badan oo Afrika ahi waxa ay ku hadlaan afafkii gumeysiga. Luuqadda rasmiga ah ee xafiisyada iyo waxbarashadu waa English, French, Portuguese — halka luuqadaha maxalliga ah ay hoos u dhaceen ama ay meeshba ka baxeen.