
Waa Kuma Nelson Mandela?
Nelson Mandela wax Uu ka mid Yahya dadka ugu caansan uguna samaynta badana ee so maray nolosha aadamah qarnigii 20aad. waxa uu caan ku noqday halgankii dheer uu kula dagalamay midab-takoorka(Apartheid) ka jiray dalkiisa koonfur africa wuxuna noqday madaxwaynihii ugu horeyey ee koofur afrika ee madow ah .inkasta oo uu 27 sano oo noloshiisa ka mid ah ku qaaday xabsi.haddana mar walba wuxuu ahaa calaamad u taagan dulqaad, nabad, iyo caddaalad. Qormadan waxa aan si qoto dheer u dul istaagaynaa nolosha Nelson Mandela, halgankiisii, saameyntiisii, iyo taariikhda weyn ee uu dunida uga tagay.
noloshiisi caruurinimo
Nelson Mandela waxa uu ku dhashay 18 july sanaddii 1918 tuul yar oo lagu magaacabo Mvezo taas oo ku taalla hareeraha webiga Mbashe ee gobolka Transkei, Koonfur Afrika.magaciisa dhalashadu waxa uu aha Rolihlahla Mandela.oo micnihiisu yahay kii dhiba abuurka badanaa.
Aabbihiis Gadla Henry Mphakanyiswa, waxa uu ahaa mid ka mid ah oday dhaqameedkii deegankiisa,balse waxa uu waayay booskiisii iyo hantidiisii muran uu la galay sarkaal ka tirsan ciidanka gumeystahaa. Geerida aabbihiis ka dib, Mandela waxaa koriyey Chief Jongintaba Dalindyebo, oo ahaa madax dhaqameedk kle oo ka so jeeday deegankiisii.
waxbarashadiisii
mandela waxa uu waxbarshdii dusiga hose dhexe iyo sare ku qaatay dugsiydii kiristanka(mission) kuwaasi oo aad caan u aha xiligii gumystaha, ka dib waxabarshadiisii heer jamcadeed waxa uu ka bilaabay jaamacadda Fort Hare taasi oo ahyd jaamacad kaliya ee lo ogolaa dadka madow in ay galaan xiligaas.halkaasi ayuu nelson ka baraty culuumata siyaasada in kasta oo markii dambe laga saarya jaamacada sababa la xidhiidha banaanbaxyo arday oo uu ka qayb qaatay.
Wuxuu markii dambe u guuray Johannesburg, halkaasoo uu ka shaqeeyay sharciga(low), isagoo bartay sharciga (law). Waxaana uu ka qalin jabiyay jaamacadda University of South Africa.
Halgankii uu la galay midba takoorka
Mandela waxa uu ku biiray African National Congress (ANC) 1944-kii, isagoo ka mid ahaa aasaasayaashii ANC Youth League Waxa uu aad uga carooday nidaamka midab-takoorka (Apartheid) oo ahaa nidaam ku dhisan kal sarayn kaasi o sheegay in ay dadka cadankii ka sareeyaan dadka madowga ah.
Mandela iyo saaxiibadiis waxay bilaabeen olole nabadeed, balse markii dambe waxay qaateen qaab iska caabin hubeysan ku dhisan kadib markii dowladda ay xirtay dariiqyadii nabadeed ee mudahaaadka lo waday. Wuxuu gacan weyn ka geystay ururinta dhalinyarada iyo abaabulka bannaanbaxyada.
Xidhitaankii mandela
1961-kii, Mandela wuxuu noqday madaxa ururka hubeysan ee ANC kaasi oo la oran jiray Umkhonto we Sizwe (“Waranka Qaranka”). Sanadkii 1962-kii ayaa la xiray, waxaana lagu eedeeyay qorshe qaran-dumisnimo ah, waxana lagu xukumay xabsi aha madaxaa ha ku furto.
Wuxuu 27 sano ku qaatay xabsiyada kala duwan ee dalka koonfur afrika , gaar ahaan Robben Island . Intii uu xirnaa, wuxuu noqday astaan caalami ah oo halganka xorriyadda u taagan. Inkastoo xaaladdiisu adkayd, wuu iska diiday in laga takhaluso mabaadi’diisa ku salysnaaa xoriyada u dagaalnka dalkiisa iyo dadkiisaba.
Madaxweynaha Koonfur Afrika
1990-kii, Mandela waxaa la sii daayay kadib cadaadis xoog leh oo ka yimid gudaha iyo dibaddaba. Kadibna wuxuu dib u abaabulay ANC. Sanadkii 1994-kii, Mandela wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah ee Koonfur Afrika madaxwayne ka noqda, iyadoo la qabtay doorashadii ugu horreysay ee dadku si xor ah u codeeyaan.
Maxaan Ka Baran Karnaa Mandela?
- Samir: 27 sano ayuu xabsi ku jiray isagoo aan ka quusan.
- Cafis: Wuxuu cafiyay kuwii dulmiyay ummadiisa.
- Midnimo: Wuxuu ogaa in dalkiisu uu hore u socon karo oo keliya marka la midoobo.
Geeridiisii
Mandela wuxuu geeriyooday 5-tii December 2013, isagoo 95 jir ahaa. Dunida oo idil ayaa baroordiiq u samaysay, waxaana la sheegay inuu ahaa “nin taariikhda bedelay.”