
Waxaa jiray waqti adduunyada, gaar ahaan Yurub, ay ku jirtay xaalad adag oo dagaal iyo cabsi ah. Xilligaas, waxaa soo baxay nin hoggaamiye noqday oo codkiisa, fikirkiisa, iyo go’aannadiisa saameyn weyn ku yeeshay taariikhda. Ninkaas wuxuu ahaa Winston Churchill – oo lagu xasuusto inuu ahaa nin geesi ah, siyaasi, qoraa, iyo hoggaamiye reer ingiriisa ah.
Noloshiisii Hore: Bilow aan Sahlanayn
Winston Leonard Spencer Churchill wuxuu ku dhashay 30-ka November 1874, Blenheim Palace, oo ah qasri taariikhi ah oo ku yaalla England. Wuxuu ka dhashay qoys sare, aabihiis Lord Randolph Churchill wuxuu ahaa siyaasi , halka hooyadiis Jennie Jerome ay ahayd haweeney Mareykan ah oo firfircoon oo saameyn leh.
Carruurnimadiisu ma aysan ahayn mid sahlan – Churchill wuxuu la tacaalay waxbarasho hoose, wuxuuna ku guuldareystay imtixaanno badan. Si kastaba ha ahaate, hamigiisa ayaa ugu dambeyn u suurtageliyay inuu ka qalin-jebiyo Royal Military Academy Sandhurst – isku daygiisii saddexaad! Tani waxay muujineysaa in dhibaatooyinku aysan waligood joojin karin qof doonaya inuu guuleysto.
Waayihiisii Askarinimo iyo Wariyenimo
Kadib qalinjebintiisii. Churchill wuxuu u safray India, Sudan, iyo Koonfur Afrika, isagoo ka shaqeynayay shaqo adag oo ahyd askari iyo wariye dagaal. Wuxuu caan ku noqday markii uu si geesinimo leh uga baxsaday xabsi ku yaal Koonfur Afrika – dhacdo kor u qaaday sumcaddiisa siyaasadeed ayey ahyd taasina.
Markii dambe wuxuu qoray buugaag ku saabsan safaradiisa dagaal iyo xaaladaha uu arkay, taasoo ka dhigtay qoraa la ixtiraamo. Waxa uu isu-geeyay xirfadihii milateri iyo kartidii qoraal. Isagoo markii horeba ku tilmaanaa in uu yahay nin dhinacyo badan ku fiican.
Waayihiisii Siyaasadda
Winston Churchill wuxuu siyaasadda ku soo biiray sannadkii 1900, isagoo markii hore ka tirsanaa xisbiga Conservative. Hasse yeeshee, 1904-tii ayuu u wareegay xisbiga Liberal, halkaas oo uu ka jireen isbeddello muhiim ah oo dadweynaha u roon, sida:
- Mushaharka shaqaalaha oo la kordhiyo.
- Caymiska caafimaadka oo loo fidiyo bulshada.
- Horumarinta guud ee adeegyada bulshada.
Halgankii Adkaa
Markii Britain gashay Dagaalkii Labaad ee Adduunka 1939, dadku waxay dareemeen cabsi iyo niyad-jab. Balse sanadkii 1940, Churchill waxaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare isagoo beddelay Neville Chamberlain. Waxaa markaas bilaabmay halgan taariikhi ah, Churchill wuxuu noqday madaxwayne ku wayn quluubta shacabka.
waxa uu caan ku ahaa Khudbadihiisii dhiiri galinta u badnaa waxay ahaayeen nal iftiiminaya mugdiga, waxay ahaayeen hub kor u qaadaya niyadda ciidamada iyo shacabka. Winston Churchill wuxuu lahaa karti gaar ah oo uu erayada ugu rogi jiray eryo wata xamaasad iyo ficil. Dadku waxay dareemi jireen inuu la hadlayo si toos ah qalbigooda, taas oo ka dhigtay mid ka duwan hoggaamiyeyaashii kale.
Khudbadihiisii caanka ahaa waxa ka mid ahaa :
- “Blood, toil, tears, and sweat
- “We shall fight on the beaches
- “This was their finest hour”
Dhammaadkii Noloshiisa
Churchill wuxuu si lama filaan ah doorashada ugaga guulaysty xisbiga Labour sannadkii 1945, inkasta oo uu dagaalka guuleystay. Balse mar kale ayuu dib ugu soo laabtay xukunka 1951–1955.
Wuxuu geeriyooday 24-ka January 1965 isagoo 90 jir ah. Waxaa loo sameeyay aas qaran oo weyn, iyadoo boqorrada, madaxda iyo dadweyne farabadan ay kasoo qayb galeen. Tani waxay marqaati ka ahayd saameyntii weynayd ee uu ku lahaa Britain iyo dunida inteeda kale.