
Waa Kuma Malcolm X?
Malcolm X wuxuu ka mid yahay halgameyaashii ugu saameynta badnaa ee taariikhda Mareykanka. Waxaa si weyn loogu xasuustaa doorkiisii firfircoonaa ee difaaca xuquuqda dadka madow, gaar ahaan 1950-meeyadii iyo 1960-meeyadii — xilli cunsuriyadda Mareykanku aad u xoogganayd. Waxaa kale oo lagu xusuustaa in uu Muslim noqday, taasoo beddeshay aragtidiisii siyaasadeed iyo bulsho.
Noloshiisii Carruurnimo
Magaca dhabta ah ee Malcolm X wuxuu ahaa Malcolm Little. Wuxuu ku dhashay 19-ka May, 1925 magaalada Omaha, Nebraska ee dalka Mareykanka. Aabbihiis, Earl Little, wuxuu ahaa wadaad iyo taageere weyn oo u ololayn jiray Marcus Garvey, halgamaa u dhaqdhaqaaqa midnimada dadka Afrikaanka ah ee dunida ku kala baahsan.
Waxaa la rumeysan yahay in aabbihiis lagu dilay weerar cunsuriyadeed. Hooyadiis, Louise Little, waxay ahayd haweeney adkeysi leh oo korisay Malcolm iyo walaalihiis kadib dhimashadii aabbahood. Noloshoodii carruurnimo waxay ahayd mid adag – saboolnimo, cadaalad darro iyo burbur qoys ayaa hareeyay.
Noloshiisii Xabsiga
Dhalinyaranimadiisii, Malcolm wuxuu galay dambiyo kala duwan taasoo keentay in lagu xukumo 6 sano oo xabsi ah. Intii uu xabsiga ku jiray, wuxuu si qoto dheer u baranayay taariikhda, falsafadda, iyo diinta, isagoo si gaar ah u xiiseynayay wax akhriska.
Xilligaas ayuu ku bartay urur diimeedka Nation of Islam – oo aan ahayn Sunni Islaam, balse ah dhaqdhaqaaq diimeed siyaasadaysan oo leh faham khaldan oo ku saleysan diinta Islaamka. Waxay aaminsanaayeen in dadka madow ay ka sarreeyaan dadka kale, gaar ahaan caddaanka oo ay u arkaan “iblisyo la abuuray”.
Safarkiisii Xajka & Isbeddelka Noloshiisa
Sanadkii 1964, Malcolm X wuxuu tagay xajka (xajka Muslimiinta). Halkaas wuxuu la kulmay Muslimiin caddaan, madow, iyo Asian ah oo dhammaantood si siman u tukanaaya, waxna wada cunaya. Aragtidan cusub ayaa ku kalliftay inuu fahmo in Islaamku yahay diin ka horreysa jinsiyad iyo midab.
Markuu ka soo laabtay Xajka, wuxuu si rasmi ah uga baxay Nation of Islam, wuxuuna qaatay Sunni Islaam — isagoo diiday fikraddii cunsuriyadda ee horey u rumeysnaa. Wuxuu bilaabay inuu ku baaqo midnimo, walaaltinimo, iyo sinaan dhammaan dadka.
Dilkii Malcolm X
Malcolm X wuxuu noqday cod xooggan oo u dooda cadaalad, xorriyad iyo sinaan. Laakiin waxaa jirey khilaafyo sii xoogeysanaya oo u dhexeeyay isaga iyo hogaanka Nation of Islam. 21-kii Febraayo 1965, waxaa lagu dilay magaalada New York xilli uu khudbad jeedinayey. Waxaa la rumeysan yahay in dilkiisu salka ku hayo khilaafyo siyaasadeed iyo diimeed.